Wednesday, November 13, 2024
HomeWararDibaddaSarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo bogaadiyay sida ay Itoobiya uga go'an...

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika oo bogaadiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay Nabadda, xasilloonida Afrika.

Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo La-dagaalanka Argagaxisada ee Midowga Afrika (AU), Babatunde Abayomi Taiwo ayaa ku ammaanay sida ay uga go’an tahay Itoobiya kaalinteeda wanaagsan ee nabadda iyo ammaanka Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Shirweynihii ugu horeeyay ee Wasiirada Difaaca Afrika oo ay Itoobiya si iskeed ah u soo qaban qaabisay ayaa saaka ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaana uu saaka ka furmay Matxafka xuska guusha Adwa.

Intii ay socotay munaasabadda, mas’uul ka tirsan Midowga Afrika ayaa si weyn ugu mahadceliyey Itoobiya martigelinta munaasabadda, taas oo looga gol leeyahay in wax looga qabto caqabadaha ammaanka ee qaaradda ka jira.

Taiwo ayaa carabka ku dhuftay wax qabadkii muhiimka ahaa ee ay Itoobiya ku taageertay AU iyo Qaramada Midoobay tan iyo 1951-kii, gaar ahaan hogaankeeda howlgalada nabad ilaalinta ee Soomaaliya iyo gobolada kale.

“Ilaa iyo 1951kii shaqaalaha Itoobiya waxay ka tageen geesinimo iyo naf hurnimo aan la tirtiri karin iyagoo qayb ka ah Qaramada Midoobay, ciidamada caalamiga ah ee Kuuriya waxayna hadda door hoggaamineed ka ciyaaraan Soomaaliya iyagoo qayb ka ah howlgalka nabadaynta Midowga Afrika ee dalka.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo dadaallo iskaashi oo dhexmara waddamada Afrika si wax looga qabto iskahorimaadyada sii kordhaya, kor u kaca kooxaha hubeysan, iyo heerarka khatarta ah ee cunto yarida oo ay uga sii daraan dhibaatooyinka cimilada la xiriira.

Waxa uu ka digay in xiisadaha juqraafiyeed ee sii kordhaya ay halis gelin karaan madax banaanida iyo xasiloonida Afrika, isaga oo ku booriyay hab midaysan oo lagu xoojinayo difaaca ka hortagga khataraha ka soo foolka leh iyo kor u qaadista mawqifka Afrika ee saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlaya ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF), Taiwn wuxuu ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah inay ka gudbaan caqabadaha jira, oo ay ku jiraan maalgelinta iyo rabitaanka siyaasadeed, si ay si buuxda ugu hawlgalaan ciidanka wax ka qabashada dhibaatooyinka.

Waxa uu ku celceliyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, waxa uuna xaqiijiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadda ee qaaradda oo dhan.

Shirkan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah wadamada Afrika si ay u xaqiijiyaan dadaalka ay ugu jiraan nabadda iyo amniga, iyagoo rajo ka qaba in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysan doona in la aamusiyo hubka iyo xasiloonida Afrika oo dhan.

Shirka Wasiirada Difaaca Afrika oo ay soo qabanqaabisay Itoobiya ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, halku-dhiggiisuna waxa uu yahay “Afrika: Nabad ku midowda, Nabadgelyada ku Xoogan”.

Wasiirada Difaaca Afrika, Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada, saraakiil ciidan oo fadhigoodu yahay Addis Ababa, iyo cilmi-baarayaal ku howlan arrimaha ciidamada ayaa ka qeyb galaya shirkii ugu horeeyay ee Wasiirada Difaaca Afrika oo ay Itoobiya iskeed u abaabushay.

Shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa mowduucyo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo amniga qaaradda iyo sare u qaadida iskaashiga milatari ee ka dhexeeya wadamada Afrika iyadoo la muujinayo muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hadda jira ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo wax ka qabashada khataraha amniga adduunka iyo gobolka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee amniga.

QORAALADA LA XIRIIRA

21 COMMENTS

  1. Не знаете, где выгоднее всего взять займ? На [url=https://dengibyn.ru]dengibyn[/url] вы откроете для себя все предложения и детали.

  2. Не знаете, на какой сайт обратиться? На [url=https://limazaim.ru]limazaim.ru[/url] вас ждут справедливые условия и широкий выбор предложений.

  3. Нужны средства оперативно? Оформите [url=https://limazaim.ru]займ на карту[/url] и получите деньги моментально.

  4. Если незамедлительно нужны средства, вы всегда способны [url=https://limazaim.ru]взять займ в Минске[/url] онлайн без долгих ожиданий.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe