Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudahaSarkaal ciidan oo lagu dilay qarax ka dhacay Afgooye

Sarkaal ciidan oo lagu dilay qarax ka dhacay Afgooye

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaya qarax miino oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal lagu magacaabi jiray Dhame Maxamuud Saleebaan Salaad, oo ahaa abaanduulaha ururka 64-aad, ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxaasi oo ka dhacay xerada guutada 7-aad ee ku dhex taalla degmada Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa ay sidoo kale dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka dhashay kama aysan hadlin maamulka degmada Afgooye iyo taliska guud ee ciidamada xoogga dalka.

Hore sidaan oo kale qaraxyo miino ayaa uga dhacay gudaha magaalada Afgooye, kuwaasi oo lala beegsay ciidamada iyo shacabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe