Thursday, August 27, 2026
HomeWararDibaddaSargaal katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo la dilay iyo taliska Booliiska oo ka...

Sargaal katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo la dilay iyo taliska Booliiska oo ka hadlay.

Waxaa saakay tuulo hoostagta deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeelaha Dhaxe lagu dilay Lx/le Cabdulqadir Maxamed Xaashi (Juuqlaawe) oo ahaa taliyaha ururka ciidanka darawiishta ee booliiska gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sargaalkan saakay la dilay ayaa kamid ahaa saraakiil iyo ciidamo loo diray in ay kala dhax galaan ayna damiyaan colaad u dhaxeysay labo beel oo walaalo ah oo wada dega gobolka Shabeelaha Dhaxe, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay colaad u dhaxeysay.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in saakay la dilay taliye Cabduqaadir Juuqlaawe, waxa ayna sheegtay in taliyahan la dilay xilli uu ku howlanaa kala celinta labo beelood oo dagaal colaad ka dhax qarxay.

”Ilaah ha u naxariistee Lxle Juuqlaawe waxuu ka mid ahaa saraakiisha Darawiishta Boliiska oo dhowrkii isbuuc ku sugnaa deeganada Sh/Dhexe, oo ku guuleystay inay demiyaan colaada, waxuuna ahaa sarkaal ciidanka uu hoggaminaayay ku kalsooni qabeyn, bulshadana ku nasteen” ayey tiri Taliye Sakiya Xuseen.

Dowladda iyo maamulka Hirshabelle ayaa ciidamo iyo saraakiil u diray deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, si ay ciidamadaasi u kala dhax galaan labo maleeshiyo beeleed uu ka dhax qarxay dagaal dhul salka ku haya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe