Saraakiisha Ciidamada Xoogga gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB kana howlgala Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Shacabka magaaladaas ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sugidda Amniga.
Kulan ka dhacay Magaalada Galcad oo ay goobjoog ka ahaayeen hoggaanka Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Amniga Magaalada Galcad Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo deegaannada hoostaga.
Taliyaha ciidamada ku sugan Galcad ayaa Shacabka uga digay in wadashaqeyn la sameeyaan ‘AS’ kana fogaadaan in ay u dhawaadaan goobaha duqeymaha lagu beegsado ee weli ay joogaan dagaalamayaasha Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada Dowladda Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug & Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo wadajir ah kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

