Sunday, January 19, 2025
HomeWararSaraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland Oo lagu dhaawacay Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Puntland Oo lagu dhaawacay Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay degaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug  kadib markii rasaas ay iswaydaarsadeen dad khamri ka ganacsada.

Taliyihii Saldhiga Degaanka Daarusalaam ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Rasaastaasi ay rideen Kooxaha ay baacsanaayeen ciidamada Booliska.

Wafdi uu hogaaminayo Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug iyo saraakiil ka socda Hay,ada CID ee gobolka Mudug ayaa socdaal ku tagay degaankaasi kuwaasoo wali wadda baaritaan ku aadan Sida wax u dheceen walow aysan wali warbaahinta la hadlin.

Inta la xaqiijiyey Hal qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana dhawac ayaa soo gaaray kadib Rasaas dhexmartay ciidamada Booliska iyo dadkii Khamridaasi watay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe