Sanad iyo bilo kadib madaxweyne Xaaf oo caawa jiifanaya madaxtooyada Galmudug ee Cadaado
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa goordhow oo caawa ah soo gaaray magaalada Cadaado isagoo kasoo dhaqaaqay degmada Godinlabe
Xildhibaano faderaalka ah iyo siyaasiyiin deegaankan ah ayaa caawa kulamo saacado qaatay madaxweyne Xaaf kula yeeshay degmada Godinlabe
Kulamadan oo ugu dambeyn kusoo dhamaday isfahan ayaa keenay in madaxweyne Xaaf loo soogalbiyo Cadaado
Sanad iyo bilo kadib ayay noqoneysaa in Xaaf caawa uu ku hoyanayo madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado