Saturday, July 18, 2026
HomeWararDibaddaSaldhig ku yaala Muqdisho oo AS maxaabiis ay kala baxeen

Saldhig ku yaala Muqdisho oo AS maxaabiis ay kala baxeen

Warar ay dusiyeen xubno ka mid ah NISA – oo ka howlgala degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saldhiga degmada Kooxda As ay kala baxeen maxabiis

Maxaabiistan oo ay ku jireen saraakiil muhiim ah ayay kooxda la baxday weerarkii dhawaan ay ku qaadeen saldhiga degmada Kaxda halkaas oo xubnahan ay ku xirnayeen.

Warkan oo maalmahan uun aad u soo xoogaystay ayay wararku ay sheegayaan in weerarkaas ujeedkiisu ahaa in keliya kooxda As  ay furato maxaabiista kaga xirnayd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Dowladda ,ma aysan soo hadal qaadan talaabada kooxda As   ay u furteen maxaabiista kaga xirnayda saldhiga degmada Kaxda taas bedelkeeda guulo ayay ka sheegatay.

Kooxda As ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay weerar ay ka gaysteen meelo ka mid ah saldhigyada magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saaraysa , sidii ay wax uga qaban lahayd falalka amni darro ee kooxda As ay ka gaystaan degmooyinka magaalada Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe