Saturday, May 30, 2026
HomeWararSaddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo...

Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay, tiro kale oo ka mida ciidanka ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi. Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay. Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay uu ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay Gooob ay ku  sugnaayeen dad u badan Dhalinyaro , kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.

Guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Maxamed Dalxiis ayaa Risaala u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 7 Ruux oo Shacab ah 5 kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana haatan ay baaritaano wadaan.

Wuxuu sheegay in dadka Shacabka ah, iyaga oo aan waxba galabsan dhibaato loo geystay, isaga oo ugu baaqay Shacabka inay Ciidamada Ammaanka kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Qaraxan xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli bilihii la soo dhaafay amniga Magaalada muqdisho uu ahaa mid wanaagsan, isla markaana laamaha Ammaanka ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe