Thursday, February 13, 2025
HomeWararSablaale:- Al-Shabaab Oo dhagax ku dilay Haweenay La Xukumay.

Sablaale:- Al-Shabaab Oo dhagax ku dilay Haweenay La Xukumay.

Al Shabaab, ayaa  fagaare ku yaalo degaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Haweenay lagu eedeeyay in ay guursatay 11 nin sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Al-Shabaab.

Dilka Haweenayda ayaa waxaa loo adeegsaday dhagax , Maadaama ay ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa eedeyntaan ku soo rogtay gabadha, kadibna waxa ay maxkamadda xukuntay in xukuneeda uu yahay dhagax in lagu dilo, sidaasina gabadhii waxaa lagu dilay dhagax, xilli ay daawanayeen dadka degaanka.

Haweyneyda la dilay ayaa magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame, waxaana qaadiga maxkamadda uu sheegay in gabadhaasi ay qiratay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay guursatay 11 nin oo aan iska warqabin.

Waxaan lagu Dilay Goob fagaare ah halkaasi oo ugu dambeyna maydka marxuumadda laga qaaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe