Monday, May 25, 2026
HomeWararRW XFS oo ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa Gargaar degdeg ah gaarsiineyso illaa...

RW XFS oo ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa Gargaar degdeg ah gaarsiineyso illaa 20 kun oo ruux oo reer Hiiraan ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddiisa ay Gobolka Hiiraan u direyso gargaar degdeg ah oo isugu jiro Raashin, Dawooyin Caafimaad, Dhaqaatiir, qodista Ceel Biyood & Biyo dhaamin loo sameynayo Ciidanka Xoogga Dalka & taageerada kale ay u baahan yihiin Dadka Deegaanka.

Wasiirka 1aad ee XFS ayaa sheegay in Raashinka degdega ah ee Gobolka Hiiraan la gaarsiinayo ay ka faaiideysan karaan illaa 20 Kun oo qof si ay ugu maareeyaan noloshooda maadaama ay ku jiraan dagaal xooggan oo ka socda Deegaannada dhaca Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle.

Xamsa ayaa Dowlad-Goboleedyada kale ugu baaqay in ay garab istaag u muujiyaan DG Hir-Shabeelle oo gashay dagaal ka dhan ah AS, wadajirkoodana lagu gaari karo guullo muhiim u ah sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada ka maqan Gacantooda.

“Haddii ay dhab ka tahay Dadka Soomaaliyeed in Argagixisada lala dagaalamo waa in ay Baladweyne yimaadaan, Bulshada Rayidka, Dowlad-Goboleedyada & dhammaan waa in ay garab istaagaan Reer Hiiraan, waa in loo gurmadaa oo la garab istaagga Magaalada Baladweyne & Shacabka Hiiraan” RW Xamsa Cabdi Barre.

“Xukuumadda Dan-qaran iyada oo ka jawaabeysa howlaan caddeyneysana in ay garab taagan tahay reer Hiiraan waxa ay marka 1aad ku dhaqaaqday oo ay diyaar la tahay illaa 24 kun oo qof raashin ku filan, si degdeg ah ayay usoo gaareysaa, biyaha waxa aan hirgelineynaa 3 Ceel, Dhaqaatiir & shaqaale Caafimaad oo la socon doonna Ciidanka Xoogga Dalka & Dulmi-diid” ayuu hadalkiisa kusii daray RW Xamsa Cabdi Barre.

Gobolka Hiiraan DG Hir-Shabeelle waxaa ka socda Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanaya Dadka Deegaanka ee loo yaqan Macawiisleyda & AS, Maamulka Gobolkaas aya sheegay in gacantooda ay soo galeen deegaanno dhowr ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe