Home Warar RW Xamse oo guddoomiyay Shir laga yeeshay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

RW Xamse oo guddoomiyay Shir laga yeeshay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

37

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi  Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta Al-Sabaab ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada Al-Shabaab ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah Shabaab.