Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Gurmadka degdegga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.
Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa $1,250,000 oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
May be an image of 8 people and text that says ‘SOMALI DISASTER لكوارث إدارة هينة MANAGEMENT AGENCY (SoDMa) الصومالية الصو A’ADDA ΕΥΝΤΑ MASIIBOOYINKA SOOMAALIYEED MI D DH DHA 110 shu’
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa xusay in Xukuumaddiisa oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.