Home Warar RW Rooble oo Magacaabay Xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa

RW Rooble oo Magacaabay Xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa

109

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa waxaa uu maanta u Magacaabay, Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Xilka Xoghayaha joogtada ee Xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa si kumeel gar ah u haayay Cabdirisaaq Caato oo mar xilkaas loo Magacaabay hadana laga qaaday, markii dacwad laga gudbiyay., hayeeshee hadda si KMG ah uu xilkaasi u hayay.

Xogaha la helay ayaa waxaa ay shegayaan in Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim La Taliye u ahaa Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Ra’iisal wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska Ra’iisalwasaaraha Mr. Nuur inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee Xafiiska.