Home Warar Rooble oo laamaha Amniga kala hadlay adkeynta Amniga Bisha Ramadaan

Rooble oo laamaha Amniga kala hadlay adkeynta Amniga Bisha Ramadaan

35

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay adkeynta amniga inta lagu jiro bisha Ramadan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Warbixin la xiriirta dhanka amniga ka dhageystay taliyeyaasha Ciidamada, iyaga oo kaga hadlay hwlgallada socda iyo xaalada BISHA barakeysan ee Ramadaan.

Rooble ayaa ku amray taliyeyaasha inay dardar geliyan howlaha amniga dalka gaar ahaan Magaalada muqdisho, isla markaana ay wadashqeyn la yeeshaan Shacbaka si ay ugala Shaqeeyaan sugida Amniga.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa ujeedkiisu ahaa sidii Ciidamada dowladda ay u muujin lahaayeen feejignaan dhanka Amniga ah maadaama Al-Shabaab ay weerarada kordhiyaan Bisha Ramadaan.