Saturday, May 2, 2026
HomeWararRooble oo khilaafka doorashada kala hadlay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Rooble oo khilaafka doorashada kala hadlay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan Magaalada Muqdisho kula qaatay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka., iyaga oo ishdaafsaday aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xilka siihaya ee Maxamed Xuseen ayaa dhowr jeer sheegay in Xukuumadiisa ay diyar u tahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay iyo in la la hadlaan dadka ka aragtida duwan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadaan dadaalo xoogan oo lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka, iyaga oo culeys saarayay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe