Friday, March 29, 2024
HomeWararRooble iyo Midowga Musharixiinta oo Maanta markale kulmaya

Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Maanta markale kulmaya

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in markale ay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.
Kulanka oo noqonaya kii saddexaad ayaa waxaa looga hadlayaa waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen sigar ah waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta & Midowga Misharixiinta ayaa ka wada hadlaya qabsoomida banaanbaxa musharixiinta ay ku yeelanayaan Taalada Daljirka Daahsoon & doorka ay ku yeelaneyso Xukuumadda Soomaaliya.
Shirarkii ugu dambeeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku gaareen wada-hadallo wanaagsan, hayeeshee Musharixiinta ay sheegeen in wada-hadallada uu carqaladeeynayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe