Friday, June 19, 2026
HomeWararGudahaRa’isul Wasaare Xamse oo isku shaandheyn goordhaw sameeyay

Ra’isul Wasaare Xamse oo isku shaandheyn goordhaw sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareegto uu galabta soo saaray isku shaandheyn kooban ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda.

Xamse Barre wareegtada ka soo baxday Xafiiskiisa, ayaa la isku beddelay Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda.

Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo mudda kooban xilkaasi hayay ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii labaad ee XFS,Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay ayaa isna loo beddelay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Halka Axmed Macallin Fiqi oo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe