Home Barnaamijyo Ra’iisulwasaare Khayre oo maanta Galmudug ka ambabaxaya iyadoo natiijo laga gaarin xal...

Ra’iisulwasaare Khayre oo maanta Galmudug ka ambabaxaya iyadoo natiijo laga gaarin xal u helista qilaafyada Galmudug

130

Ra’iisulwasaare Khayre oo maanta Galmudug ka ambabaxaya iyadoo natiijo laga gaarin xal u helista qilaafyada Galmudug

Khayre ayaa deegaanada Galmudug joogay in ka badan 40 maalin hase yeeshee waxba guul ah kama gaarin in la isku soo dhaweeyo beelaha deeganka islamarkaana la xaliyo tabashooyinkooda

Magaalooyiinka Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo Caabudwaaq ayaa dhamaantood si cad u soo bandhigay tabashooyin ay qabaan balse laguma guuleysan xalintooda

Xiligii Ra’iisulwasaaraha imaanayay Galmudug ayaa rajo fiican laga qabay in lasoo afjari doono qilaafyada la haray maamulka hase yeeshee Khayre ayaa dib u laabanaya xili uu cirka kusii shareeray qilaayadii jiray lagana gaarin guul iyo isku soo dhawaansho