Sunday, May 17, 2026
HomeWararGudahaRa’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Sucuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Safiirka Sucuudi Carabiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid

Intii uu socaday kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa looga hadlay xoojinta iyo sara u qaadista xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga ay mar walba siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha gargaarka, amniga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa carrabka ku adkeeyey in Boqortooyada Sacuudigu ay door weyn ka qaadan horumarinta kaabayaasha muhiimka ah, dalka AS, iyo sidi dadka Soomaaliyeed u gaaraan horumar wax ku ool ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer iyo iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe