Monday, May 25, 2026
HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in dalku galay doorasho xor & xalaal...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay in dalku galay doorasho xor & xalaal ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa ka sheegay munaasabad halkaasi ka dhacday in uu tixgelin doona wixii dan u ah Soomaaliya ee kasoo baxa Shirka Machadka Heritage.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay qaadan doonto talooyinka Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la is cafiyo oo horay loo socdo si loo hagaajiyo dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in dalka uu galay  doorasho xor iyo xalaal ah, in kastoo ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo noqday doorashooyinkii la qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu Maanta soo xiro shirweynaha Shanaad ee  aragti wadaaga Machadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe