Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaRa’iisul Wasaare ku xigeenka dalka & wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray Magaalada...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka & wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi u hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa ku soo dhaweeyay  masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ugu horeyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Socdaalka ra’iisul wasaare ku xigeenka waxaa ku weheliya wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo wasiir dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gani, Lataliyaha Amniga Ra’iisul Wasaaraha Kamaal Gutaale iyo masuliyiin kale.

Wafdigaan maanta gaaray magaaladda Dhuusamarreeb ayaa kulamo kala duwan la qadan doona Madaxda dowladda iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee halkaa ku sugaan, iyada oo kulamadaana ay qayb ka yihiin dardargalinta howlgallada ka dhan ka ah As.

Socdaalkaan ayaa ku soo aadeysa iyada oo todobaadkii hore ee sidaan oo kale Magaalada Dhuusamareeb u gaareen labada Guddoomiye Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyaga oo halkaas kula kulmay Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe