Saturday, July 4, 2026
HomeWararDibaddaRa’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Jowhar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa barqonimadii maanta gaaray Magaalada Jowhar Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhanka kale ah Caasimadda Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdi Saalax Axmed Jaamac waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe waxaana loo gelbiyay aqalka madaxtooyada halkaas oo kulamo gaargaar ah kuwada qaadan doonnaan.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare ku ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac & wafdigiisa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere Magaalada Jowhar.

“Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere Ku-simaha Ra’iisulwasaaraha ahna Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayay” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada DG Hir-Shabeelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe