Friday, April 18, 2025
HomeWararRa'iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan Muhim Ah Maanta Kusoo Xiraya Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulan Muhim Ah Maanta Kusoo Xiraya Muqdisho

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in la soo geba gabeeyo Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka kaas oo shalay ka furmay Magalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa furay Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana diirada lagu saarayay dib u eegis lagu sameeynayay qorshooyinkii Wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay.

Sidoo kale waxaa lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee Wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wada in kulanka uu Maanta soo gaba gabeeyo,isla markaana Xubnaha Golaha Wasiirada si lamid ah ay soo bandhigaan waxyaabah ay qabanayaan sannadka 2019.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe