Saturday, April 19, 2025
HomeWararRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa ka baaqsaday Xaflad sagootin aheyd oo xalay loogu qabtay Madaxtooyada Puntland, iyada oo taas bedelkeeda uu booqasho ku tegay goobaha bulshadu ku kulmaan iyo xarumaha ganacsiga Magaalada Garoowe. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in arrintaan ay la xiriirto kaddib markii laysku mari waayey wada-hadallo ku saabsanaa Arrimaah doorashooyinka oo saddexdii Cisho ee la soo dhaafay Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynaha Puntland u socday. Kulamadii u dambeeyay ee dhex-maray labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS. Kulanka Casha Sharafta sagootinta aheyd ee uu ka baaqsaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno Wasiiro ah oo kamid ahaa Wafdigiisa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Ururuada Bulshada rayidka iyo ismimada Puntland, isaga oo kala hadlayay xal u raadinta isfaham-waaga ka dhex-jira Dowladda Soomaaliya & Madaxda Puntland, balse uusan ku guuleysan, waxaana la filayaa hadii aan isbedel dhicin in Ra’iisul Wasaaraha uu aado dhinaca degaannada Galmudug.

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro kala duwan oo Maanta agagaarka Masaajidka Turkiga ay dhiseen oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Xaafada Jamhuuriya iyo Isgoyska fagax Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, kuwaas oo ku wajahnaa Xerada Maslax ee degmada Hurwaa oo farriin swye ay ku leeyihiin.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ay rideen rasaas faarbadan oo u badneyd qorayga dhashiikaha ah ee gaariga ugu xiran.

Mas’uuliyiin ka tirsan gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa waxaa ay sheegeen in inta ay xaqiijiyeen 5 ruux ay ku geeriyootay 9 kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM qarax kadib, dadkaas oo u badan kuwo degan meel u dhow halka qaraxa uu ka dhacay.

In ka badan labada Saacadood ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, kadib markii ay Ciidamada AMISOM joojiyeen, hayeeshee markii dambe ay dib u fureen, iyaga oo socdaalkodii iska sii watay.

18kii Bishii  la soo dhaafay ee November ee sanadkan 2020 ayay aheyd markii qarax miino isa Goobta Maanta lagula eegtay kolonyada AMISOM, waxaana rasaas ay fureen ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay socdaalayeen wadada jaayga ah ee agmarta Masjidka ay turkiga dhiseen ee ku dhow Xaafada jamhuuriya, kadib markii ay Biyo jareen  wadada ka baxda Isgoyska fagax ee aada Xaafada Suuqa Xoolaha, hayeeshee qaraxyo ay la kulmayaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe