Friday, July 17, 2026
HomeWararDibaddaRag hubeysan oo saaka xirtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq

Rag hubeysan oo saaka xirtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Caabudwaaq

Wararka aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saaka Garoonkaasi ay xirteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

Ragga hubaysan ayaa ka gadooday saami Qaadka ama Jaadka ka degga Garoonka laga siinjiray oo ay sheegeen in laga musuq-maasuqa, taasi oo keentay inay xirtaan Garoonka oo ay dhabbaha ay diyaaradaha ku degaan ay dhigaan biro iyo dhagxaan.

Dad ku sugan meel ku dhow Garoonka Caabudwaaq ayaa laga soo xigtay inay ku goodiyeen maleeshiyaadka hubeysan in aanan wax diyaarad ah kasoo dagi karin Garoonka ilaa inta xal looga helayo tabashadooda.

Marar kala duwan ayaa Maleeshiyooyin hubaysan wax ay joojiyeen Duulimaadyada Garoonka diyaaradaha Magaalada Cabuudwaaq ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe