Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaRag dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi kuyaalla Dhuusomareeb iyo baadigoob...

Rag dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi kuyaalla Dhuusomareeb iyo baadigoob socda

Waxaa xalay saldhigga ciidamada booliiska ee magaalada Dhuusomareeb caasimadda Galmudug ka fakaday rag maxaabiis ah oo la sheegay in qaarkood ahaayeen gacankudhiiglayaal oo horey dilal usoo goostay

Sida aan wararka ku helnay afar nin oo kamid ahaa maxaabiista ku xirnaa saldhigga booliiska magaalada Dhuusomareeb ayaa baxsaday, waxaana saddex kamid ah ragan ku xukunaayeen dil toogasho ah oo maxkamad ku riday.

Taliska booliiska saldhigga Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay jiritaanka maxaabiista xabsiga ka baxsatay, waxa ayna sheegeen in ay hadda socdaan howlgalo lagu raadinayo ragga baxsaday , sidoo kale la baarayo qaabka ay u baxsadeen.

Waxaa jira shaki laga qabo in maxaabiistan in xabsiga magaalada Dhuusmareeb ka baxsadaan loo fududeeyay, mana jiro faah faahino badan oo booliiska ka bixiyeen baxsashada ragga dilka ku xukunaa iyo qaabka ay u baxsadeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

5 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe