Friday, April 19, 2024
HomeWararQoor-Qoor & Lafta-gareen oo Muqdisho kawada kulamo xal looga gaarayo Khilaafka hortaagan...

Qoor-Qoor & Lafta-gareen oo Muqdisho kawada kulamo xal looga gaarayo Khilaafka hortaagan Doorashada.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeedyo xal loogu raadinayo caqabadda hortaagan Doorashada Soomaaliya oo sababtay in waqti ahaan waxba laga qaban sanadkii tagay 2020 oo jadwalka ay ku heshiiyeen Madaxda DFS & Dowlad Goboleedyada uu dhigayay in lagu soo gaba-gabeeyo Doorashada labada Gole ee BFS.

Caqabadaha ugu weyn ee hortaagan Guddiga ayaa kala ah: Xukuumadda oo xareysay Guddi kala dhimman, shaqsiyaadka xubnaha ka ah Guddigaas oo la sheegay in ay kamid yihiin shaqsiyaar katirsan Madaxtooyada & Nabadsugidda, Puntland & Jubbaland oo shuruud ku xiray soo gudbinta xubnaha ku Metalayaasha, & hab maamulka xubnaha doorashada ee dhanka Gobollada Waqooyi (Somaliland) oo ay isku qabteen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynayaasha DG Galmudug & Koofur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay kulamo la qaateen dhinacyo kala duwan, waxaana kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay kawada hadleen dedaalka xal ka gaarista caqadaha hortaagan qabsoomidda Doorashada.
Waxaana labada dhinacyada waa Qoor-Qoor & Laftagareen iyo Madaxweynaha Soomaaliya ku ballameen kulamo kale saacadaha soo socda yeelanayaan, maadaama ajendaha miiska lasoo dhigay loo baahan yahay in si qoto-dheer loo falanqeeyo loogana fakiro tallaabooyinka la qaadayo sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo xog ogaal ah.
Magaalada Garoowe waxaa dhawaan lagu go’aamiyay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynayaasha Galmudug & Puntland in ay sameeyeen dedaalo la isugu soo dhaweynayo Madaxda DFS, Midowga Musharixiinta & Dhinacyada diidan hab maamulka lagu wajahayo Doorashada Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe