Warbaahinta Jasiiradda Nauru ayaa xaqiijisay in Dowladda Mareykanka ay Imtixaan loogu tala galay in laga qaado dadka ka Qaxooti ah ee ka soo jeedda Soomaaliya iyo Iran in lagu riday Imtixaankii laga qaaday.
Nauru ayaa waxa ay ku taallaa koonfurta Badweynta Pacific-ga, Waxaana la sheegay in lagu riday imtixaankii dib-u-dejin loogu sameyn lahaa Mareykanka.
Warbaahinta Jasiiraddaasi ayaa waxa sheegtay in tirro ka badan 150 qaxooti ah loo ballamiyay imtixaanka, waxaana la sheegay in si gaar ah Imtixaanka loogu riday Qaxootiga ka soo jeedda Iiraan iyo Soomaaliya, maadaama dowladda Mareykanka ay diiday in qaxootigaasi ay dalkeeda geyso.
Qoysas iyo caruur, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin dadka Imtixaanka lagu riday.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Jasiiraddaasi ayaa waxa ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan, waxaana hadda u sii dheer in lagu riday Imtixaankii ay ku aadi lahaayeen dalka Mareykanka.