Home Warar Qatar oo sheegtay ‘in ay siwayn’ u soo dhawaynayso wax-soo saarka Soomaaliya!{SAWIRO}

Qatar oo sheegtay ‘in ay siwayn’ u soo dhawaynayso wax-soo saarka Soomaaliya!{SAWIRO}

94

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax oo ku sugan Dooxa ayaa kulmay masuuliyiin ka tirsan rugta ganacsiga Qatar isaga oo ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Qater iyo Soomaaliya sida uu ku waramay wargayska Gulf Times.com.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee rugta ganacsiga Qatar Rashiid bin Xamad al-Athba ayaa la kulmay Wasiirka Shaqada ee Soomaaliya Durran Axmed Faarax iyo wafdiga la socda iyadoo ay goobjoog ahaayeen saraakiil ka socotay safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal iyo qaababka loo horumarin karo, gaar ahaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, iyo talaabooyinka lagu horumarinayo ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac.

Al-Athba wuxuu carabka ku adkeeyay in labada dal ay leeyihiin xiriir adag oo dhow. Wuxuu xusay in ay jiraan heshiisyo ay kala saxiixdeen Qatar iyo Soomaaliya, sida ka fogaanshaha canshuuraha laba jibbaar iyo ka hortagga musuqmaasuqa maaliyadeed, dhiirigelinta iyo ilaalinta maalgashiga labada dhinac, gaadiidka badda, iyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo farsamada si lamid ah shaqaalaynta Soomaalida ka shaqeeya dalka Qatar.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Rugta Qatar Rashiid bin Xamad al-Athba ayaa ku wareejinaya calaamadda aqoonsiga Wasiirka Shaqada ee Soomaaliya Durran Axmed Faarax oo booqasho ku jooga xarunta rugta ee shalay.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Rugta Qatar Rashiid bin Xamad al-Athba ayaa ku wareejinaya calaamadda aqoonsiga Wasiirka Shaqada ee Soomaaliya Durran Axmed Faarax oo booqasho ku jooga xarunta rugta ee shalay.

 

Wuxuu sheegay in rugta ganacsiga Qater ay aad u daneyneyso in ay xoojiso iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ay la leedahay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ganacsatada Qadar ay aad u danaynayaan in ay aqoonsadaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka ku yaal Bariga Afrika, iyo in dhaqaalaha Qatar uu soo dhaweynayo wax soo saarka Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha iyo hilibka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in ay soo jiidato maalgashadayaasha Qatar si ay u aas aasaan mashaariic lagu taageerayo hanaanka horumarka dalka iyo in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaa jira dhowr qaybood oo ganacsatada Qatar ay maalgashi ku sameyn karaan sida beeraha iyo mashaariicda xoolaha. Soomaaliya waxaa lagu yaqaan waxsoosaarka hilibka iyo xoolaha, dowladduna waxa ay u hamuun qabtaa in ay xoojiso soo dhoofsashada badeecooyinkan dalka Qatar. Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay Soomaali badan u dirto Qatar”.

“Waxaan ugu yeeraynaa waaxyaha gaarka loo leeyahay ee Qatar in ay dadkeena ka shaqaaleysiiyaan meheraddooda iyo mashaariicdooda, ”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax Dooxa  kula kulmay Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalkaas, Yousef Bin Mohammed Al Othman Fkhroo.

Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo dhiggiisa Qatar kala hadlay furitaanka Suuqa Shaqada

Waxa ayna ka wadahadleen iskaashiga dhismaha awoodaha waaxyaha Dawliga ah, isku xirka suuqyada Shaqada ee labada dal iyo furitaanka suuqa Shaqada Qatar sida ay sheegtay wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada Soomaaliya.

“Wuxuu muhiimad u lahaa kulankan dadaallada aan ku dooneyno inan ku xoojino awoodda hay’adaha Dawladda gaar ahaanna Shaqaalaha.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray “ Qatar waa dal muhiim u ah fursadaha shaqooyinka, hadda waxaan kala xaajoonay xirfadlayaasha iyo Shaqaalaha Soomaaliyeed in loo furo suuqa Shaqada ee dalkaas.”