Thursday, April 18, 2024
HomeWararQareen MAREYKAN ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool lagu...

Qareen MAREYKAN ah oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta shirqool lagu xadayo hantida dowladda Somalia

 Qareen degan gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay boqolaal kun oo dollar siisay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah.

Xeer-beegti federal ayaa Arbacadii kusoo oogtay Jeremy Wyeth Schulman,  oo 45 jir ah, islamarkaana degan magaalada Bethesda, dacwado ay ka mid yihiin musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki.

Sida lagu sheegay dacwadda, Schulman iyo xubno kale ayaa isku dayey inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014, sida lagu sheegay dacwadda.

Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya.

Paul Butler, oo ka mid ah qareenada difaacaya Schulman, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay rumeysan yahay in xeer-ilaaliyayaasha Waaxda Cadaaladda Mareykanka ay yihiin “kuwa si qaldan wax loogu sheegay” islamarkaana ay ku guul-darreysteen inay si waafi ah u baaraan una hubiyaan caddeymaha.

“Waxaan ku kalsoonnahay marka fursad loo siiyo inuu sheego sheekadiisa, in Mr. Schulman si buuxda looga beri yeeli doono inuu ku kacay wax fal-dambi ah, iskaba daa khiyaameyn,” ayuu yiri Butler.

Shirkadda sharci ee heshay lacagta, laguma magacaabin dacwadda.

Schulman ayaa hadda ka mid ah maamulayaasha shirkadda Schulman Bhattacharya, wuxuuna maamula qeybta dacwadaha la xiriira ganacsiyada ee shirkadda.

Website-ka shirkadda ayaa waxaa ku xusan in Schulman uu dowladda federaalka Soomaaliya ku matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea).

Butler ayaa sheegay in dowladdii ku-meel garaka aheyd ee Soomaaliya ay Schulman u xil-saartay inuu ka caawiyo in loo fasaxo hantida uga xayiran caalamka, oo ay ku jirto mid taalla dalka Mareykanka.

Dowladda Mareykanka wax dood ah kama qabto in inka badan 9 milyan oo dollar oo hantidaas ka mid ah dib loogu celiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay qareenka difaacaya Schulman.

“Muddo badan afar sano, Mr. Schulman iyo kooxdiisa waxay si aan daal laheyn uga shaqeeyeen inay caawiyaan qaran aad ugu baahan kheyraad maaliyadeed, si loo xaqiijiyo dib uga soo kabashada dowladda Soomaaliya ee inka badan 20 sano oo dagaal sokeeye ah. Mudadaas, Mr. Schulman wuxuu noqday la-taliye la aaminay iyo u ololeeyaha shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Butler.

Schulman ayaa la filayaa in markii ugu horreysay uu si horudhac ah maalinta Isniinta u horyimaado garsooraha maxkamad federal oo ku taalla magaalada Greenbelt ee gobolka Maryland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe