Wednesday, October 28, 2026
HomeWararQarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay

Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay

14 Badmaaxiin Masaari ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qarax dhawaan qabsaday Markab Xamuul oo marayey meel ka baxsan Xeebta dalka Turkiga.

Hadal Qoraal oo Wasiirada Socdaalka dalka Masar, Soha El-Gendy soo saartay ayey ku sheegtay in 3 ka mid ah Badmaaxiinta dhaawacan ay xaalladooda aad u liidato, iyadoo Kabtankii Markabkaasi, Xusaam Taabit oo u dhashay Masar la la’ yahay Raqdiisa iyo Ruuxiisaba.

Waxay kaloo sheegtay in Safaarada Masar ku leedahay Caasimadda dalka Turkiye ee Ankara kala shaqaynayaan Maamulayaasha dalkaasi sidii loo heli lahaa Kabtanka Markabka ee la la’ yahay.

Markabkaasi oo lagu magacaabo BEATA, oo uu ka dul babanayey Calanka dalka Panama waxa uu Qaraxaasi ka dhex dhacay maalintii Talaadada ee Toddobaadkii hore.

Markabka oo waday Shixnad Dhuxul ah waxa uu Qaraxu ku qabsaday Badda Madow (Black Sea) oo ka baxsan Xeebta Turkiye.

17 shaqaale ayaa la socday Markabkaasi, iyadoo 15 dhasheen Masar, halka ay 3-da ka soo kala jeedaan dalalka Ukraine, Georgia iyo Albania.

Si kastaba, ma cadda waxa sababay Qarax ka dhex dhacay Markabkaasi, iyadoo Hay’adaha ku shaqada leh ku hawlan yihiin Baaritaanka Qaraxaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe