Thursday, May 15, 2025
HomeWararQarax lau weeraray Saldhiga ku yaalla Gobolka Gedo

Qarax lau weeraray Saldhiga ku yaalla Gobolka Gedo

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu magaaladaas ka dhacay qarax loo adeegsaday gawaari kaas oo lala beegsaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee ATMIS ka tirsan.

Faahfahin intaa dheer weli lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Uuro xoogan ay cirka isku shareertay, taas oo swyen looga dareemaya degmada Doolow.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa waddooyinka waweyn ee degmada Doolow, iyada oo Ciidamada Itoobiya ay xirteen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xerada la weeraray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe