Tuesday, May 26, 2026
HomeWararQarax lala eegtay Askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

Qarax lala eegtay Askar Kenyan ah & khasaaro ka dhashay

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa Gaari ay wateen Ciidamo Kenyan ah waxaa lagula eegtay degaan kuyaalla duleedka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Gaariga qaraxa lala beegsaday qaraxa oo ay saarnaayeen Ciidamo kenyan ah ayaa marayay degaanka Dharqaale ee hoostaga degmada Taagaabo ee gobolka Mandheera, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah askarta saarneyd Gaariga.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Kenya ee qaraxa lala beegsaday ay sameeyeen howlgallo wallow aysan jirin cid lagu qabtay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi qaraxa ah, iyaga oo sheegay inay qaraxa ku burburiyeen Gaariga, sidoo kalena ay dileen askar Kenyan ah.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Gobolka Waqooyi bari ku batay weerarada Al-Shabaab, iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay inay Ciidamadooda ka feejigan yihiin weerarada Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe