Home Barnaamijyo Qarax ka Dhacay Isgoska Ex-Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho

Qarax ka Dhacay Isgoska Ex-Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho

171

Qarax ayaa ka Dhacay Isgoska Ex-Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa ah Gaari laga buuxiyay walxaha qarax Oo Lagu Weeraray Xafiiska Waaxda Canshuuraha Ee Wasaarada Maaliyada Ay ku Leedahay Ex-Koontarool Afgooye

Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka Dhashay Qarax Laakin Wali Si rasmi ah Looma Oga Qasaaraha Qaraxaasi Ismiidaaminta ah
Guuxa iyo Dhawaqa Hoonka Gaadiidka Gurmadka Deg deg ayaa Laga Maqlayaa Gudaha magaalada Kuwaasi Oo ku baxay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta Maxaliga ah u Sheegay Qarax Uu ka Dhacay qeybta Maaliyadda ee Ex-koontarool Afgooye uu ka dhacay qaraxa Ismiidaaminta ah.

Wixii warar ah ee ku Soo kordha Qaraxaasi Lagu Weeraaray Isgoska Ex-Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho Dib ayaan iidiin kagaga soo Socodsiindoonaa.