Sunday, August 2, 2026
HomeWararQarax ka dhacay duleedka Jowhar & khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay duleedka Jowhar & khasaaro ka dhashay

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Ciidamo katirsan kuwa Burundi ee kamid ah howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM lagula eegtay duleedka magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ee meelaha fogfog lga hago ayaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Burundi waxaa  lagula beegsaday degaanka Buuraane oo qiyaastii 23 Dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada xilliga qaraxa lala beegsanayay ay kujireen howlgal roondo ah, isla markaana qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan, taas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa duleedka Magaalada Jowhar lagula beegsaday Ciidamada ATMIS, iyaga oo sheegay inay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ciidamada Burundi wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe