Tuesday, July 14, 2026
HomeWararDibaddaQarax goordhaw ka dhacay magaalada Maxaas uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Maxaas uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Maxaas, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay bannaanka magaalada.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay oo kusoo jeeday degmada Maxaas ayaa lagu qarxiyay bannaanka magaalada, waxaana la sheegay gaarigaasi in ay fashiliyeen oo qarxiyeen ciidamada ammaanka iyo kuwa macawuusleyda ee ku sugan bannaanka Maxaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxa uuna madaxweynahja halkaasi ka wadaan kulamo siyaasadeed iyo sidoo kale abaabul dagaal ka dhan ah As.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay magaaladaas oo ay ku sugan yihiin wufuud kala duwan iyo ciidamo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay goob lagu hubiyo gaadiidka oo ah halka laga galo xero ay wada dagan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay irida hore ee la maro marka xerada loo socdo, halkaas oo aad uga fog meesha ay dagan yihiin madaxda.

Sidoo kale waxaa goobta uu qaraxu ku dhacay bar-koontarool ku leh ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-daad, qaybta 27-aad oo gaadiidka ku baara halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale innoo sheegay in xogta qaraxa ay hayeen, isla-markaana ay qarxiyeen markii la arkay gaariga, sidaasna ay ku fashiliyeen weerarka oo ahaa bartilmaameed ku socday xerada ciidamada.

Xasan Sheekh ayaana maanta booqday xero ciidanka xoogga dalka ku sugan yihiin, waxa uuna halkaasi ugu tagay ciidamada dhiirogelin iyo in kula dar-daarmo in ay dagaal galaan kana adkaadaan As.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe