Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaQaramada Midoobay oo baareysa waxa ku dhacay in ka badan 130-kun oo...

Qaramada Midoobay oo baareysa waxa ku dhacay in ka badan 130-kun oo Qof

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar lagu dhisayo hay’ad madax-bannaan oo go’aamin doonta waxa ku dhacay in ka badan 130,000 oo qof oo lagu la’yahay colaadda ka taagan Dalka Suuriya.

Qaraarka, oo ay hormuud ka tahay Luxembourg, dalalka ka soo horjeestay waxaa ka mid ah Suuriya oo sheegtay in aysan la shaqayn doonin hay’adda loo xilsaaray arrimahaasi,waxaana sidoo kale diidan qaraarkaasi, Russia, China, Belarus, North Korea, Cuba iyo Iran.

Qaraarku waxa uu oggolaanayaa in Jamhuuriyadda Carabta Suuriya laga dhiso Hay’ad Madax-bannaan oo raadisa halka ay ku dambeeyeen dadka la la’yahay, iyada oo hoos imanaysa Qaramada Midoobay.

Qaraarkan ayaa soo baxay Khamiistii,iyadoo ay oggolaadeen 83 cod, 11 ayaa diiday, 62 kalena way ka aamuseen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe