Home Warar Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho

Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho

36

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada dalka kajira, si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Xalay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)  oo ka yimid Magaalada Gaalkacyo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaka soo garay muqdisho halka duhurnimadii Maanta uu Muqdisho yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo hadal kooban siiyay bahda Saxaafadda ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii horay loogu socon lahaa dalkana doorasho uga dhici lahayd, isaga oo rajeeyay sida ugu fiican uu shirka kusoo dhamaado kana soo baxdo natiijo wanaagsan.

Sidoo kale waxa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay so gaaraan Madaxweynayaasha Puntland iyo Hir-Shabeelle, si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka waxaa uu ku casuumay Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, kaas oo la qorsheeyay in uu furmo Maanta oo Khamiis ah, balse u muuqato in uu dib u dhacay maadaama weli qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada aysan soo gaarin Muqdisho.

shirka wadatashiga doorashooyinka ee ka furmaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa isha ku haaya Shacabka Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Beesha Caalamka maadaama muhiim uu u yahay doorasho ka dhacda dalka.