Monday, April 20, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo dowladda...

Puntland oo sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Xasan Sheikh

Puntland ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin sharci darro ah oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo ka digtay in tallaabo noocaas ah ay horseedi karto khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halka muddo xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu ka digay in haddii aan la qaban doorasho lagu heshiiyay, dalka uu geli karo “firaaq dastuuri ah” 30 maalmood kadib marka uu dhamaado waqtiga madaxweynaha.

“Waa waajib dastuuri ah in la qabto doorasho heshiis lagu yahay si loo ilaaliyo jiritaanka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Bile Qabowsade.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay, in Puntland ay ka fiirsaneyso tallaabooyinka ay qaadi doonto, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan oggolaan doonin xaalad kasta oo keeni karta dhaawac ku yimaada nidaamka federaalka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan doorashooyinka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe