Tuesday, May 26, 2026
HomeWararPuntland oo sheegtay in ay howlgal ku qabatay qaraxyo ay diyaariyeen Al-Shabaab

Puntland oo sheegtay in ay howlgal ku qabatay qaraxyo ay diyaariyeen Al-Shabaab

Ciidamada difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab , sidoo kalena ay ku qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaariyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegen in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha Ciidamada Puntland.

Saraakiisha Ciidamada difaaca ayaa Puntland Post sheegay in hawgalkaas oo lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis islamarkaana gacanta lagu dhigay qaraxyo ay diyaariyeen Al-shabaab.

Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo marar badan ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Puntland sida ay sheegeen Ciidamada Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe