Monday, December 9, 2024
HomeBarnaamijyadaPuntland Oo Kalaabatay Go,aankii ay Kuxirtay Masaajidada iyo Dugsiyada Quraanka

Puntland Oo Kalaabatay Go,aankii ay Kuxirtay Masaajidada iyo Dugsiyada Quraanka

Garoowe:-Wasaarada cadaalada Maamulka Puntland ayaa Kalaabatay go,aankeedii ahaa in la xiro Dhamaan Masaajidada iyo Dugsiyada Quraanka ee kuyaala deegaanada Puntland si looga fogaado in uu Faafo Coronavirus oo horay ay wasaarada Caafimaadka soomaaliya u sheegtay in kiiskiisii ugu horeeyay laga helay Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo kulan gaar ah la qaatay Culimada, mu’adimiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxa uu wada tashi kala sameeyay go’aankii ay ku xireen masaajidda iyo Dugsiyada Qur’aanka lagu barto.

Wasiir Cawil waxa uu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay khafiifisay amarada oo ay dib u eegis ku sameysay, kadib talooyin ka yimid Culimada, Macalimiinta iyo mu’adimiinta.

War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa lagu sheegay in dhinacyadii kulmay ay isu raaceen in aan la xirin Masaajidda balse laga shaqeeyo nadaafadda goobahaas.

Si gaar ah waxaa la isugu raacay in la xiro Musqulaha, meelaha lagu weesaysto iyo goobaha laga shaki qabo in ay ka dhalan karto ilma-aragtada (Bacteria), si looga hortago faafidda Caabuqa Coronavirus.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe