Wednesday, May 27, 2026
HomeWararPuntland oo howlgal ku qabatay rag looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo

Puntland oo howlgal ku qabatay rag looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa habeenkii Saddexaad oo xiriir ah howlgal ka sameeyay Gudaha Magaaladw Garoowe, kaas oo lagu soo qabqabtay rag looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Ururka Al-Shsbaab.

Howlgalka oo ahaa mid uu hogaaminayyay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu baadi goobo Xubno katirsan Al-Shabaab iyo kuwa ka ganacsada Mandooriyaha oo xogtooda ay hayaan ciidanka booliska.

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan ka sameeynayay qaar ka mida hotelada,guryaha iyo gadiidka si loo ogaado.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ciidamada faray inay u dhimriyaan Bulshada isaga oo sidoo kale faray Ciidanka howlgalka ku jira inaysan wax xabada ridin si xasilooni loo daremo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe