Thursday, April 30, 2026
HomeWararPuntland oo gacanta ku dhigtay Askari dil geystay

Puntland oo gacanta ku dhigtay Askari dil geystay

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Warbaahinta u sheegay In Ciidamada Booliska Magalada Bosaaso ay Gacanta ku dhigeen Askari ka tirsan Ciidamada oo dil u Geestay Qof Shacab ah kadibna uu Goobta ka baxsaday.
Ciidamada oo Howlgal sameeyay kadib Dilka Marxuumka ayaa waxaa u suurta gashay in Gacanta lagu soo dhigo Gacan ku dhiiglihii Dilka Geestay oo ka tirsan Booliska Gobolka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in laga soo gudbay in Askari markii uu dil u Geesto Qof Shacab ah la dhihi jiray wuu baxsaday, isla markaana Qofkasta oo Dhibateeya Shacabka Cadaalada la Horgeyn doono.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe