Saturday, May 30, 2026
HomeWararPuntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray

Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faysal Sheikh Cali iyo Xubno la socda oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amniga ah la qaatay Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga Gobolka Doollo.

Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa, dhinaca Gobolka Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana inta uu socday Kulanka masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejisay gaari horay looga dhacay Degmada Gaalkacyo.

Shirkan oo saacado socday ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka looga hadlay arrimo badan iyo heshiis dhanka amniga oo ay wada gaareen labada dbinac, kaas oo ah.

In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada Masuuliyiinta Gobolada Doollo iyo Mudug.

is waydaarsiga xogaha dhinacyada amniga ee Laamaha Amniga Gobolka Mudug iyo Doollo.

isu soo qabashada dadka ukala baxsada Gobolada Mudug iyo Doollo ee isugu jira Tuhunsanayaasha iyo Eedaysanayaasha si loo ilaaliyo Amniga Bulshooyinka

Joojinta iyo la dagaalanka Maandooriyaha oo ay xaaran tinimaysah Diinta islaamka kaa oo ka soo gudba dhinaca Gobolka Doollo dhibaatana ku ah Xasiloonida iyo Nabada Bulshada Deegaanada.

In dib-udayactir lagu sameeyo dhinacyada isgaarsiinta xuduudaha labada Gobol si ay ufududaato helida Xogaha Amni.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe