Friday, April 24, 2026
HomeWararPuntdland oo shir deg deg ah ka yeelatay aminga magalada garawe.

Puntdland oo shir deg deg ah ka yeelatay aminga magalada garawe.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland  S/Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Taliye kuxigeenka labaad ee Ciidanka Booliska,Qaar ka mid ah hoggaanada ciidanka booliska,Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, kuxigeenkiisa,Taliyaasha Saldhigyada iyo saraakiisha Booliska Gobolka Nugaal.

Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista Amniga Caasimadda,Howlgelinta Saldhigyada iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka amniga joogtada ah ee socda.

Shirkaan looga hadlayay Amniga Magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaaay Puntland ay kordhisay shirarka looga hadlayo arrimaha amniga kadib markii dhawaan Ciidamada Somaliland ay la wareegeen magaalada Boocame ee Gobolka Sool wallow ay dib ula wareegeen Ciidamada Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe