Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlad goboleedka  Puntland ayaa faah faahin waxaa ay ka bixisay Maraakiib shisheeye oo ay sheegeen inay si sharci-darro ah uga kalluumeystaan Xeebaha Maamulkaas.
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay tirada Maraakiibtaas iyo dalalka laga leeyahay.
Ilaa 18 Markab ayuu sheegay oo laga leeyahay wadamada Iiraan, Hindiya iyo Pakistaan inay yihiin kuwa kalluumeysta,isla markaana ay dacwad ka gudbiyeen sidoo kalena ay Ciidamo u direen Xeebaha Puntland.
Baaritaano ayuu sheegay inay ku hayaan Shirkado kale iyo Maraakiib Shisheeye oo aan shatiyo ka heysan Wasaaradiisa,isla markaana kamid ah kuwa sida sharci-darrada ah u kalluumeysta.