Home Warar Oksijiin la’aanta India &ku dhawaad 349,313 xaalado cusub oo la diiwaangeliyay!

Oksijiin la’aanta India &ku dhawaad 349,313 xaalado cusub oo la diiwaangeliyay!

48

India waxaa kusii kordhay faafitaanka Covid-19 waxaana dalkaas ka taagan xaalad Oksijiin la’aan ah oo sameyn taban ku reebtay dadka laga helay xannuunka iyo welwelka ehelka Bukuunnada la dhigay Goobaha Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi oo shaashadda kasoo muuqday ayaa dalbaday in Dowladdiisa laga gacansiiyo gurmad caafimaad gaar ahaan Neefsiiye (Oxygen) si loo badbaadiyo dadka u dhimanaya la’aantiis 5-tii daqiiqo ee soo marta Dalkaas.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa welwel ka muujiyay Xaaladda Caafimaad ee Covid-19 laga dhaxlay, Dowladdiisa ayuu sheegay in ay dhexda u xiraneyso sidii loo gacansiinaa Bulshada India ee waqtiga adag ku qaadanaya Coronavirus.

349,313 (Saddex Boqol, Afartan & sagaal kun, saddex boqol, toban & saddex), Dad mudadawiciin (Is xilqaamay) ayaa isbitaallada geeyay haamaha neefsiiyaha (Oxygen) si nafaf badan loo badbaadiyo.

Hay’adda Caafimaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan ee WHO ayaa kulan degdeg ah oo ku qabsoomaya muuqaalka fogaan aragga uga hadli doonta xaaladda caafimaad ee dalalka deriska ah ee India & Pakistan.

Albaabada safarka waxaa ka xirtay Dalal dhowr ah sida Pakistan, Masar & Dowlado kale oo dhammaantood cabsi ka qaba heerka cusub ee faafitaanka fayruska safmarka ah ee Covid-19 oo saameeyay nolosha kumanaan ruux oo Hindi ah.