Home Warar NISA Oo Sheegtay In Ay Qabtay Xubin Ka Mid Ah Raggii Weeraray...

NISA Oo Sheegtay In Ay Qabtay Xubin Ka Mid Ah Raggii Weeraray Hotel Saxafi

163

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay qof ka mid ah dadkii  diyaariyay weerarkii Hotel Saxafi ee dhacay 9kii Bishan.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitter-ka ee Hay’adda Nabad Sugidda ayaa lagu sheegay in howlgalkan si taxadarleh loo fuliyay.

Waxaa kale oo ay NISA sheegtay in qofkaasi lagu wareejinayo hay’adaha garsoorka dalka si sharciga loo horgeeyo.

https://twitter.com/HSNQ_NISA/status/1067019846041432064