Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Dowlada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku dhigey sarkaal ka tirsan As oo doonayey inuu ka safro Garoonka Diyaaradaha Baydhabo
Cumar Maxamed Ismaacii oo magaciisa afgarashaduna yahay (Nuur) ayaa la qabtay, xilli uu u soo dhoofayay magaalada Muqdisho, isagoo damacsanaa inuu uga sii gudbo magaalada Gaalkacyo.
Muuqaal laga duubay ayuu ku qirtay inuu ka tirsanaa As, isagoo sheegay inuu yahay 40 sano jir ku noolaa Gaalkacyo, kadibna usoo wareegay Muqdisho.
“Intaan ku biirin As ka hor waxaan ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dadka qurbe-joog ah, waxaana As igu tashkiiliyay nin aan qaraabo nahay oo la yiraahdo Maxamed Xasan sidaas ayaanaku tagay degmada Jilib” ayuu yiri ninkan
Waxaa ii intaas ku daray inuu qaatay tababar muddo socday oo uu u soo xiray Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee As, kadibna ay sameeyeen dhoolatus, isagoo xusay in markaa ka dib loo qeybiyey dareys ciidan.
Waxaa uu ka codsaday Maamulka Koonfur Galbeed in la cafiyo xabsigana laga sii daayo, maadaama buu yiri aanan dembi gelin sida uu ku dooday.

