Home Warar Nisa oo Bur Burisay Saldhig Alshabaab Ay Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

Nisa oo Bur Burisay Saldhig Alshabaab Ay Ku Leeyihiin Shabeelaha Hoose

243

Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa halkaasi ku bur buriyay saldhigii maleeshiyada Al-Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule,halkaasina lagu bur buriyay Saldhigoodii,sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay.#NISA,” ayaa lagu yiri warka NISA.